Sabtii 20 July 2024 {CBB}–Kulan gaar ah oo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaa lagu go’aamiyay in la mamnuucay ka Ganacsiga Hubka & Saanadda Ciidanka ee loo yaqaan (Cir-toogte) waxaana uu ansixiyay Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo Qalabka Ciidanka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo Shir guddoomiyay kulankaan ayaa warbixinno ka dhagaystay qaar kamid ah Wasiirrada howshaan quseyso dhaqangelinteeda iyo sida loosoo afjari karo in hubka lagu iibiyo suuqyada qaar ee Cir-toogtaha loo yaqaan.
Wasiirrada aya isku raacay in Hub lasoo dejiyo, la dhoofiyo, la Warshadeeyo, La Isu gudbiyo ama la daabulo hub iyo Saanad Ciidan, Ciddii ku dhaqaaqda arrintaan kana dhega-furaysata fulinta go’aankaan Hay’adda Fulinta lala xisaabtami doonno sida hadalka loo dhigay.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha, halka isla fadhiga lagu ansixiyay heshiiska Difaaca ah ay wadagaleen Jamhuuriyadaha Soomaaliya & Masar.