Sabtii 20 July 2024 {CBB}–Guddoomiyaha màamulka gobolka Baay Maxamed Isaaq Caracase oo lahadlaayay warbaahinta koonfurgalbeed soomaaliya ayaa Waxaa uu ka hadlaaya howlgaladii ugu dambeyey ee laga sameeyay gobolka Baay gaar ahaan degmada Berdaalle.
Guddoomiye Caracase ayaa sheegay in howlgaladii laga sameeyay degmada Berdaalle sidii la rabay ay u dhaceen kuwaasi oo laga sameeyay qaar kamid ah Deegaanada ka tirsan degmada Berdaalle ayadoo lagu beegsaday goobo looga shakisanaa kooxda Al-shabaab.
Howlgalada ayaa waxaa iska kaashanaayay Ciidamada Militeriga soomaaliyeed qeybta 60aad fadhigooda yahay magaalada Baydhabo iyo kuwa maamulka koonfurgalbeed soomaaliya, howlgalada ayaa intii ay socdeen Waxaa lagu bur buriyay fadhiismooyin ay la hayeen kooxda Al-shabaab halkaasi oo ay ku qadayeen canshuuraha laga rabay Bulshada ku nool degaanadaasi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay doonayaa in kooxda Al-shabaab laga safeeyo dhamaan gobolka Koonfur galbeed ka maamul ahaan diiradda ay saari doonaan gobolka Baay.
Dadaalka iyo dagaalada ay wadaan ciidamada kaliya Kuma soo koobin guddoomiyaha in kooxda Al-shabaab loo baahan yahay in ay wada shaqeyn ay ka rabaan shacabka ku nool gobolka si looga safeeyo kooxda Al-shabaab.