Home WARARKA CAALAMKA Mareeykanka oo ka Fikirayo Madaxbanaanida Somaliland.

Mareeykanka oo ka Fikirayo Madaxbanaanida Somaliland.

58
0

Sabdi, 09 August 2025 {CBB} Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo ka jawaabay su’aal ku saabsanayd waxa uu ka yeelayo aqoonsiga Somaliland oo la sheegay in laga yaabo in dibu-dajin loogu sameeyo dadka reer Qasa, ayaa sheegay in ay “arrintaa hadda gacanta ku hayaan.”

Madaxweynaha ayaa su’aashan la waydiiyay xilli uu xalay heshiis nabadeed u kala saxeexayay madaxda waddamada Asarbajan iyo Arminiya, oo muddo dheer colaad ka dhexaysay. Wuxuu sheegay in arrinta Somaliland miiska saaran tahay, isla markaana ay ku hawlan yihiin go’aanka laga gaadhi doono.

“Arrintaa gacanta ayaanu ku haynaa hadda, waa su’aal wanaagsan, waa xaalad kale oo murugsan, laakiin hadda waanu ka shaqaynaynaa arrintaa, arrinta Somaliland,” ayuu ku jawaabay Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here