Home WARARKA MAANTA Shir lagu xoojinayay wada shaqeynta u dhaxaysa maamulka gobolka iyo Booliska.

Shir lagu xoojinayay wada shaqeynta u dhaxaysa maamulka gobolka iyo Booliska.

54
0

Sabti 9 Aug 2025 {HMC} Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa guddoomiyay shir lagu xoojinayay wada shaqeynta guud ee u dhaxaysa maamulka gobolka iyo booliska caasimadda oo ka dhacay Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ay ka qayb galeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir, Axmed Diiriye Yabooh, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha booliska caasimadda, ayaa lagu dhageystay warbixinno ku saabsan amniga iyo wada shaqeynta, iyadoo diiradda la saaray yareynta jaamka magaalada, ciribtirka daroogada iyo mideynta qorshayaasha lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo horumarka Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay ciidamada booliska dadaalka joogtada ah ee ay ku sugayaan amniga caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here