Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kormeeray xarunta lagu tababaro macallimiinta...

Sawiro;-Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kormeeray xarunta lagu tababaro macallimiinta Qaranka ee Magaalada Baydhabo.

49
0

Sabti 9 Aug 2025 {HMC}Baydhabo – Agaasimaha Guud Mudane Fadal Abdullahi Mursal iyo Qaar ka mid ah agaasime Waaxeediyada Wasaaradda Waxbarahaadda Dowlada Koonfurgalbeed iyo Xoghayaha joogtada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Ee federaalka Mudane Hassan Mohamed Ali (Taata) ayaa maanta kormeeray Machadka Tababarka Macallimiinta KGS.

Kormeerkan ayaa ku saabsanaa u kuurgelidda habsami u socodka tababarka la siinaayo macallimiinta dhawaan loo qaatay iyo kuwii horey loo qaatay kuwaas oo wax ka dhigaan dugsiyada dadweynaha dowliga ee KGS.
Tababarkan ayaa looga danleeyahay in sare loogu qaado tayada, aqoonta, iyo xirfadda macallimiinta.
Mudane Hassan iyo wafdiga la socday ayaa u kuurgalay casharrada Kala duwan ay macallimiintu qaadanayaan.
Xoghayaha joogtada
WWH & TS oo hadal kooban u jeediyay macallimiinta ayaa carabka ku adkeeyay baahida weyn ee dalka ka jirta ee loo qabo macallimiin xirfad iyo aqoon u leh mihnadda macallinnimo, si loo daboolo baahiyaha waxbarasho ee sii kordhaaya. Sidookalena ku dhiirrigeliyay macallimiinta in ay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here