Axad 10,August 2025 {CBB}Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah oo xilal kala duwan dalka kasoo qabtay.
Qodobo la xiriira dib u eegista Dowladdu ku sameysay Dastuurka oo Madasha Samatabixinta miiska soo dhigeen halka Dowladda Federaalka ay dhankeeda wadato ajande ah in dhinaca amniga gaar ahaan la dagaalanka ‘AS’ xoogga la saaro si wadajir ah.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, waxaa saacadihii u dambeeyay kulamo ay yeesheen xubnaha Madasha Samatabixinta si ay isaga xog-dhageystaan qodobada ay la shirtagayaan & haddii ay waayaan sida ay wax u doonayaan wixii ay sameyn lahaayeen.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa qudhooda kawada hadlay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ mar haddii nabadgalyadu ay laf-dhabar u tahay Doorashada qof iyo codka ah ee Dowladdu shaacisay in ay Dalka ka qabaneyso.







