Home WARARKA MAANTA Taliye ka tirsan ciidanka Jubbaland oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay Gedo

Taliye ka tirsan ciidanka Jubbaland oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay Gedo

36
0

Isniin,11 August 2025 {CBB} Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal xooggan oo maanta ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federaalka ku dhexmaray duleedka magaalada Beledxaawo.

Dagaalkan ayaa ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla Tuulada Amiin ee gobolka Gedo, oo ku taalla dhanka xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, waxaa la soo warinayaa in askar ka tirsan Jubbaland ay ku dhinteen, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen. Weerarkan oo u muuqday mid si gaar ah loo qorsheeyay ayaa waxaa fuliyay ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.

Ciidamadan ayaa la wareegay hub iyo gaadiid dagaal oo yaallay saldhigga, iyagoo soo bandhigay askar ay nolosha ku qabteen. Weerarkan ayaa muujinaya sida ay uga sii dareyso xiisadda ka taagan gobolka Gedo, iyadoo labada dhinac ee halkaasi isku hayay uu mid walba doonayo gacan ku haynta gobolka.

Jubbaland ayaa dhankeeda, waxay weli ku adkeysaneysaa sheegashada madax-bannaanida maamulka gobolka Gedo, xilli Dowladda Federaalka ay ka biyo diiday dib-u-doorashadii Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here