Home WARARKA MAANTA Dowlada Soomaaliya oo xarun Safaaradeed ka furtay Aljeeriya

Dowlada Soomaaliya oo xarun Safaaradeed ka furtay Aljeeriya

32
0

Isniin,11 August 2025 {CBB}Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Aljeers, dalka Aljeeriya.

Munaasabadd Kooban oo ka dhacday dhismaha cusub ee xarunta Safaarada waxaa kasoo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, ahna u qaabilsanaha Arrimaha Afrika, Marwo Salma Bakhta Mansouri, iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta caalamiga ah, oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya.

Furitaanka safaaradda ayaa qeyb ka ah socdaalka rasmiga ah ee Wasiir Cabdisalaam uu ku joogo Aljeeriya (9–11 Agoosto), taas oo muujinaysa dadaalka labada dal ee ku aaddan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here