Isniin,11 August 2025 {CBB}Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay isku dirayso oo isku laynayso ciidan Soomaaliyeed oo aan wax colaad ah ka dhaxayn. Wuxuu sheegay in waxa ka socda gobolka Gedo ay yihiin “dhibaato aan indhaha laga qarsan karin.”
Hadalkan ayuu sheegay maanta, kaddib dagaal culus oo ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland, isla markaana sababay dhimasho iyo dhaawac.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eeddeeyay Dowladda Federaalka inay isku dayayso inay xoog ku qabsato gobol ka tirsan Jubbaland, isagoo sheegay in ciidankii nabad-sugidda ee loogu talagalay la dagaalanka cadawga loo adeegsaday duulaana iyo weerarka lagu hayo dadka Baladxaawo.
Wuxuu sheegay Jubbaland in ay dacwad ka dhan ah Dowladda Federalka u gudbin doonto beesha caalamka, isagoo gumaad ku tilmaamay waxa ka waddo gobolka Gedo. Sidoo kale, wuxuu xusay in ciidamada dhimanaya iyo dhaawacmaya labaduba ay mushahaar ka qaataan Dowladda Federaalka, taas oo uu ku tilmaamay arrin nasiib darro ah.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Agaasimaha cusub ee NISA, Mahad Salaad, in loo magacaabay si gaar ah loogu dhibaateeyo Jubbaland iyo shacabka







