Talaado, 19 Aug 2025 {CBB}Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada KG mudane Saciid Axmed Cali oo ay qeyb ka ahaayeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Mustaf Sheikh iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Berdaale Md. Caracase ayaa maanta soo gaarey degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Wafdigaan inta ay ku sugnaayeen degmada waxa ay kormeer ku tageen xaruumaha Caafimaadka, goobaha waxbarashada iyo xarunta dowlada hoose ee degmada Berdaale
Inta ay ku guda jireen kormeerkooda ayaa wasiirka Wasaaradda Caafimaadka KG mudane Saciid Axmed Cali dhagax dhigey qeyb cusub oo lagu kordhin doono isbitaalka degmada, isla markaana ku wareejiyay daawooyinka gargaarka degdega ah.
Si lamid ah wasiirka caafimaadka ayaa daah-furey Barnaamijka marwo caafimaad oo dhowaan laga bilaabi doono degmada Berdaale markii ugu horeysay.
Dhinaca kale wafdiga ayaa dhiirogelin u sameeyay ciidanka amniga, isla markaana ku ammaanay kaalintooda xasilinta iyo nabadeynta degmada.








