Talaado, 19 Aug 2025 {CBB}Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Amb. Dr. Ali Said Faqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Midowga Afrika, gaar ahaan arrimaha amniga, xasillinta, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika, gaar ahaan ciidamada nabad ilaalinta, doorka muhiimka ah ee ay ka hayaan sugidda amniga iyo xasillinta Koonfur Galbeed, isagoo xusay in taageerada joogtada ahi ay qayb weyn ka qaadato nabadda iyo horumarka bulshada.








