Home WARARKA MAANTA Diyaaraddii ugu horreysay oo ka degtay garoonka cusub ee Buurhakaba,

Diyaaraddii ugu horreysay oo ka degtay garoonka cusub ee Buurhakaba,

29
0

Talaado, 19 Aug 2025 {CBB}Boqolaal shacab ah ayaa garoonka magaalada Buurhakaba ku soo dhaweeyay diyaaraddii ugu horreysay oo sida rakaab, taasi oo ka soo degtay Garoonka magaaladaasi.

Muddo dheer, Buurhakaba ma lahayn garoon diyaaradeed rasmi ah, waxaana dadka deegaanka iyo ganacsatadu ku qasbanaayeen inay adeegsan garoonka magaalada Baydhabo.

Hirgelinta garoonkan cusub ayaa Buurhakaba si toos ah ugu xirtay magaalooyinka kale ee dalka, taas oo fududeyneysa isu socodka, horumarinta ganacsiga iyo helidda adeegyada muhiimka ah.

Masuuliyiinta deegaanka iyo bulshada rayidka ah ayaa ku tilmaamay furitaanka garoonka “tallaabo istiraatiiji ah oo dhiirrigelin doonta dhaqaalaha iyo horumarka gobolka Baay”.

Garoonka cusub ee Buurhakaba ayaa la filayaa inuu kor u qaado isku xirka gobolka, isla markaana abuura fursado shaqo iyo ganacsi cusub oo ay bulshada si weyn uga faa’iideysan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here