Home WARARKA MAANTA Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee Golaha Shacabka?

Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee Golaha Shacabka?

56
0

Sabtii 20 July 2024 {CBB}Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay Kalfadhiga shanaad kulankiisa shanaad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana kooramka uu ku furmay 145-Xildhibaan.

Waxaa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya oo uu soo diyaariyay Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka, waxaana xildhibaanadda ay qodob qodob uga doodeen hindise sharciyeedkan.

Dhinaca kale, waxaa jiray xildhibaano ka tirsan golaha oo guddoonka golaha u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan Hubka sharci darada ah, dagaalada sokeeye iyo dhowrista xasaanada xildhibaanada, kaasoo ay saxiixeen 18-xildhibaan, waxaana soo jeedintan Golaha ka akhriyay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamadiid.

Intaasi ka dib, xildhibaanadda Golaha oo cod u qaaday soo jeedintan ay qaar ka mid ah xildhibaanadda Golaha saxiixeen ayaa ogolaaday in ajendaha kulanka maanta lagu daro.

Dooda la xiriirta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya markii ay soo gaba gabowday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray waxa uu sheegay in hindise sharciyeedka xeerka shaqada ee maanta xildhibaanada ka doodeen dib loogu celinayo Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha, si uu ugu soo daro dooda iyo fikradaha xildhibaanada islamarkaana uu usoo diyaariyo akhrinta sedaxaad dibna Golaha ugu soo celiyo.

Sidoo kale, Xildhibaanadda Golaha Shacabka  ayaa waxaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here