Sabtii 20 July 2024 {CBB}–Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Saakay gaaray Degmada Xuddur xarunta Gobolka Bakool Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Wafdiga waxaa kamid ah Wasiirka Gargaaarka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush & Mas’uuliyiin kale oo howshoodu tahay arrimaha bani aadamnimada si loosoo ogaado xaaladaha dhabta ah ee halkaas ka jira.
Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa sheegay in ay booqanayaan xeryaha Barakacayaasha oo ah halka ay saldhigteen qoysaska naftooda kala soo baxday Abaaraha, Daadadka & dhibaatooyin kale.
Wafdiga ayaa marka uu u kuurgalo xaaladaha bani aadamnimada kaddib waxa uu go’aamin doonnaa qorshaha xiga ee la sameynayo maadaama Hay’adda SODMA ay qaabilsan tahay u gurmashada Dadka xaaladaha adag wajahaya.