Home WARARKA CAALAMKA Isra’iil Oo Ansixiyay Inay kala qaybinayo Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed

Isra’iil Oo Ansixiyay Inay kala qaybinayo Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed

31
0

Khamiis, 21 Aug 2025 {CBB} Israa’iil ayaa siisay oggolaanshaha kama dambaysta ah ee mashruuca deegaamaynta ee muranka dhaliyay kaas oo gabi ahaanba laba qaybood u kala goyn doona Daanta Galbeed ee haysto iyo Bariga Quddus.

Dhismaha aagga E1 ayaa la hakiyay 20 sano maaddaama uu la kulmay mucaaradad caalami ah oo laga ga soo horjeedo.

Dadka dhalleeceeya ayaa ka digaya in qorshahan uu burburin doono rajo kasta oo laga lahaa dawlad Falastiini ah.

Arbacadii, guddiga wasaaradda gaashaandhigga ayaa ansixiyay qorshe 3,400 guri oo ku yaal aagga E1. Wasiirka maaliyadda ee midigta-fog, Bezalel Smotrich oo daaha ka rogay qorshahan usbuucii hore, ayaa sheegay in fikradda dawlad Falastiin leedahay “la tirtiro.”

Maamulka falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay tallaabadaasi, waxayna sheegeen in ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana ay meesha ka saarayso rajadii laga qabay in xalka labada dawladood.

Israa’iil ayaa ilaa 160 deegaan u dhistay 700,000 oo Yuhuud ah tan iyo markii ay qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here