Home WARARKA MAANTA Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiiradda?

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiiradda?

27
0

Khamiis, 21 Aug 2025 {CBB} 

 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dagaalka AS iyo xoojinta amniga.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamse ayaa warbixinno looga dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Difaaca Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Golaha Wasiiradda ayaa dhageystay Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Sharcigan, ayaa xoogga saaraya, sirta, bed-qabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka, shabakadaha iyo barnaamijyada, ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada.

Sidoo kale, sharcigaan ayaa ogolaanaya baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda, iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

Sharcigaan ayaa ku soo aadaya xilli gudaha Soomaaliya ay ku soo badanayaan jabsashada xogaha shaqsiga oo lagu faafiyo baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here