Home WARARKA MAANTA Guddoonka baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari oo la dhaariyay

Guddoonka baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari oo la dhaariyay

31
0

Sabti, 23 Aug 2025 {CBB} Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari ee Soomaaliya ayaa gor dhow doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad.

Amran Axmed Xasan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada maamulka Waqooyi Bari, halka Cabdirisaaq Jaamac Warsame loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaad.

Doorashada guddoonka oo saaka bilaabatay ayaa waxaa ay saacadihii hore xildhibaannadu guddoomiye u doorteen Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan.

Saddexda mas’uul ayaa isla goobta lagu dhaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here