Axad , 24 Aug 2025 {CBB}Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinka dambe maanta ku dhawaaqaysa natiijada Imtixaan sanadeedka 2024/25 Dugsiga Sare (Fasalka 12aad) oo ay galeen Arday gaaraysa in ka badan 39 kun.
Ardayda ugu badan ee Imtixaanka gashay waxa ay wax ka barteen dugsiyada ku yaalla Gobolka Banaadir, waxa ay sugayaan Natiijada ay ka heleen Imtixaankii ay galeen Bartamihii Sanadkaan iyaga oo qaarkood hadal haya natiijadaas maanta soo baxaysa.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacineysa saddexda Arday ee galay Kaalmaha hore iyo fursadda la siinayo si ay usii wataan hayaankooda Waxbarashada.
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in markii ugu horraysay natiijada Imtixaanka Dugsiga sare ka shaacin doonto Meel ka baxsan Magaalada Muqdisho waana Magaalada Jowhar xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.






