Home WARARKA MAANTA DANAB waa mid kamid ah ciidamada ugu awoodda badan Afrika”Taliyaha AFRICOM”

DANAB waa mid kamid ah ciidamada ugu awoodda badan Afrika”Taliyaha AFRICOM”

25
0

Sabti 6-Sep 2025 {CBB} Taliyaha cusub Howlgallada Maraykanka ee Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Anderson ayaa sheegay in ujeedka loo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & Daacish ee Soomaaliya, waxa uu ku tilmaamay .

Waxa uu sheegay in dhismaha Ciidanka Kumaandooska DANAB ay faa’iido weyn u tahay Soomaaliya maadaama toban sano kaddib ay haystaan tababar sare iyo awood ciidan oo Afrika ka dhex muuqata sida uu hadalka u dhigay.

Gen. Dagvin ayaa intaas ku daray in isku xiranka ‘AS’ iyo Xuutiyiinta Yemen uu yahay ujeedka ugu weyn ee Maraykanka, halka uu carrabka ku dhuftay in Daacish qudheeda Waqooyiga Dalka ay ku leedahay Saldhigyo iyaga oo wajahaya culays aan yarayn.

“Muddo toban sano ah ayaa dhiseynay Ciidanka Danab, waxaan ka dhignay mid kamid ah Ciidanka ugu awoodda badan Afrika, Danab waa tusaale fiican, waxa aan la leenahay taariikh iskaashi oo aan sii wadi doonno” Ayuu yiri Taliyaha AFRICOM, Gen Dagvin Anderson.

Dhanka kale waxa uu sheegay Taliyaha cusub ee AFRICOM uu qiimayn ku samaynayo howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya isla markaana uu dib ugu celin doonno Madaxda soo dirtay si ay go’aan uga gaaraan sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here