Home WARARKA MAANTA Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo 8 sano kaddib dib u billowday bixinta...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo 8 sano kaddib dib u billowday bixinta Baasaboorka Dalka.

19
0

Jimco 3 Oct , 2025 {CBB} Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Yemen ayaa 8 sano kaddib dib u billowday bixinta Baasaboorka Dalka, muddadaas waxa ay Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay dalbanayeen in loo fududeeyo sidii ay ku heli lahaayeen maadaama ay u baahan yihiin.

Safiirka Soomaaliya ee Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ka hadlay Musaabadda dib u furista qaadashada Baasaboorka Dalka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool dalban karaan.

Cabdixakiin ayaa intaas ku daray in tallaabadaan ay xallin u tahay caqabadaha jira, waxaana uu sheegay in mudnaanta ay siinayaan sidii loo hubin lahaa helitaanka aqoonsiga dadkaan Soomaaliyeed ee ku nool Yemen.

“Ku dhowaad 8 sano sano kaddib ayaa dib u billownay bixinta Baasaboorka oo ah xuquuqda muwaadinka xaqqa u leeyahay, Hadda kaddib si caadi ah ayay u qaadan doonnaan qofkii la caddeeyo muwaadinnimadiisa” Ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed.

Dad u badan Arday ayaa muddo Waxbarasho uga xayirnayd helitaanka Baasaboorka Soomaaliya, waxaana socday dedaallo kala duwan oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yemen sameeyeen oo ugu dambeyn maanta ay gaareen guusha halgankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here