Sabti 4 Oct , 2025 {CBB}Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goordhow ka dhacay meel u dhow Xabsiga Godka Jilicow degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in rasaas laga maqlayo goobta uu qaraxa ka dhacay oo u dhow Xabsiga Jilacow oo ay maamusho Hay’adda NISA.
Weli Hay’addaha Amniga kama hadlin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.
Wixiiw warar ee ka soo kordha halkaan kala soco







