Sabti 4 Oct , 2025 {CBB}Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ah ee AS ay ku qaaday xarunta Godka Jilicoow ee Magaaladda Muqdisho waxaana duullaankaan u arkaa mid lagu carqaladeynayo nabadgalyada iyo xasilloonida shacabka.
Waxaan ka tacsiyeynayaa khasaaraha ka dhashay duullaanka argagixisada waxaana ciidanka ammaanka iyo shacabka caasimadda ku boorrinayaa inay sii xoojiyaan wada-shaqeyntooda xaqiijinta nabad-gelyada iyo kahortaga weerarada nafla-caariga ah.
Kooxaha argagixisada ah waxay mar walba halis aan la iska indha tiri karin ku yihiin dowladnimada, waana in ciidanka ammaanka loo jiheeyo sugida nabad-gelyada iyo la dagaalanka kooxaha caadeystay daadinta dhiiga shacabka.
Ugu dambayn waxaan boggaadinayaa geesiyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee maanta dib ula wareegay Degmada Awdheele ee gobolka Shabeellada Hoose.







