Talado 7, Oct 2025 {CBB}Baydhabo – Taliska Booliiska Gobolka Baay ayaa soo bandhigay maandooriyayaal tiro badan oo lagu soo qabtay howlgallo ballaaran oo ay ciidanka booliiska ka fuliyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo.
Howlgalladan ayaa lagu beegsaday goobo lagu tuhunsan yahay in lagu iibiyo ama lagu kaydiyo maandooriyaha, waxaana gacanta lagu soo dhigay dad lagu eedeeyay inay si toos ah ugu lug lahaayeen isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyeyaasha.
Taliyaha saldhigga degmada Baydhabo, Gaashaanle Dhexe Mukhtaar Dugudow, ayaa sheegay in dacwooyinka la xiriira maandooriyaha ay si aad ah u bateen, taasoo sababtay in la xoojiyo howlgallada lagu sugayo amniga. Waxa uu xusay in isticmaalka maandooriyaha uu si weyn ugu kordhay magaalada, taasoo keentay dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah.
Taliska booliiska ayaa sheegay in dadka lagu qabtay maandooriyaha la horgeyn doono maxkamad, si loo marsiiyo cadaaladda, isla markaana looga hortago faafitaanka mukhaadaraadka bulshada dhexdeeda.
Booliiska Gobolka Baay ayaa ku baaqay in bulshada reer Baydhabo ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo ku lug leh falalka la xiriira maandooriyaha.
Hoos;- ka daawo sawirada








