Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh “Maanta Soomaaliya Shaqaalaha ka shaqeeya ee aan Soomaalida ahayn...

MW Xasan Sheekh “Maanta Soomaaliya Shaqaalaha ka shaqeeya ee aan Soomaalida ahayn waxa ay ka yimaadeen Dalalka Bariga Afrika”

27
0

Talado 7, Oct 2025 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay dahfurka shirka iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee Dalladda Bulshada Afrika uu yahay isku Milan dhan weliba ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shaqaalaha Dalka ka shaqeeya ee ajaanibta ah intooda badan in ay kasoo jeedaan Dalalka xubnaha ah Bulshada Bariga Afrika, tani ayuu tilmaamay in ay fursad usoo hoyatay EAC.

Waxa uu bogaadiyay Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay uga shaqeeyeen waxqabadka muuqda sida maalgelinta ay ku sameeyeen Dhinaca Waxbarashada iyo adeegyada kale Bulshadu u baahan tahay, waxaana uu ku dhiirrageliyay in ay sii horumariyaan ganacsigooda.

“Maanta Soomaaliya Shaqaalaha ka shaqeeya ee aan Soomaalida ahayn waxa ay ka yimaadeen Dalalka Bariga Afrika, maanta in ay Soomaaliya kasii mid noqoto adduunyada sii socota waa u muhiim” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka looga hadlayo Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika ayaa markii labaad Magaalada Muqdisho martigelisay, waxaa ka qaybgalay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillada dalalka EAC & marti kale oo lagu casuumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here