Axad 2, Nov 2025 {CBB} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Masar ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Cabdifitaax Al-Siisi, waxa ay kawada hadlayaan xoojinta xiriirka labadaan dal iyo adkaynta heshiisyo horay ay u wada galeen
Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Siisi ayaa dhiggiisa Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay ka qaybgalka madxafka weyn ee jamhuuriyadda Carbeed Masar samaysay ee la daah-furayo
Siisi ayaa kulamo gaar ah oo kooban la qaadan doonna madaxda iyo mas’uuliyiinta kala duwan oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sida wararku sheegayaan
Madxafka Qaran ee cusub waxa ay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ku maamuusi doontaa Injineer Axmed Maxamed Xuseen oo dhintay sanadkii 2017kii maadaama waqtigiisa uu u huray hagaajinta culuumta Injineeriyada.







