Home WARARKA MAANTA Warrarkii ugu dembeeyey weeraro midni loo adeegsaday oo ka dhacay wadanka Ingiriiska

Warrarkii ugu dembeeyey weeraro midni loo adeegsaday oo ka dhacay wadanka Ingiriiska

16
0

Axad 2, Nov 2025 {CBB}Sida ay sheegeen booliska toban qof ayaa isbitaalka loo qaaday, iyadoo sagaal ka mid ah la rumeysan yahay inay qabaan dhaawacyo halis ku ah noloshooda, ka dib weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Cambridgeshire. Weerarka ayaa ka dhacay gudaha tareen xilli rakaabku ay saarnaayeen

Lama soo sheegin wax dhimasha ah oo weerarka ka dhashay

 

Boolisku waxay ku dhawaaqeen “dhacdo weyn”, waxayna xaqiijiyeen in saraakiisha ka hortagga argagixisada ay ka qeyb qaadan doonaan baaritaanka

 

Dad goobjoogayaal ah oo la socday Tareenka xiliga uu shilka dhacayay ayaa warbaahinta uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen

 

Goobjooge ku sugnaa tareenka xilliga uu shilku dhacayay ayaa sheegay in rakaabka ay la kulmeen “argagax ” iyadoo dhibanayaasha dhiigbaxa ay ku baaqeen in la gargaaro

 

Olly Foster ayaa BBC-da u sheegay in uu markii hore maqlay dadka oo ku qaylinaya “orod, orod, waxaa jira nin si dhab ah u tooreynaya qof walba”

 

Dareenkaygu wuxuu la jiraa dhammaan dadka ay saameysay, waxaana mahadnaq u dirayaa adeegyada gurmadka degdegga ah ee jawaab celintooda. Qof kasta oo ku sugan deegaanka waa inuu raacaa talada booliska.ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer

 

Tani waa weerar gebi ahaanba naxdin leh, waxaana dareenkaygu la jiraa dhammaan dadka ay saameysay, oo ay ku jiraan kuwa gurmadka degdegga ah ee goobta ku sugnaa.ayey tiri Kemi Badenoch, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Conservative

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here