Home WARARKA MAANTA Ciidamada Kenya oo howlgalo ka dhan ah A.S ka wada Xadka Kenya...

Ciidamada Kenya oo howlgalo ka dhan ah A.S ka wada Xadka Kenya iyo Soomaaliya

15
0

Axad 2, Nov 2025 {CBB}Ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda A.S ka wada saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ku yaala xadka ay la wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya

 

Howgalka ciidamadaan ayaa la sheegay inuu yahay ujeedkiisa mid looga hortagayo dhaqdhaqaaqyo xubno ka tirsan kooxda ay ka wadaan deegaanada dhaxa xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya

 

Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Militariga dalka Kenya oo garab ka helaya kuwa sida gaarka u tababaran ee GSU in dadka ku nool deegaanada ku yaala xadka iney weydiinayen su’aalo la xiriira inay arkeen dad aan deegaankooda kasoo jeedin oo isaga kala gudbaya deegaanada qaar

 

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka Kenya ayaa sheegay in marka la gaaro bilaha ugu dambeeya sanadka iney si weyn u kordhiyaan kooxda A,S weerarada ay ka geysato qeybo ka mid ah gobolada Waqooyi Bari ee dalka Kenya

 

Howlgaladaan ciidamada Kenya ka wadaan deegaanada ku yaala xaduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxdu marar kala duwan weeraro khasaare baaxad leh geystay ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here