Home WARARKA MAANTA Malaayiin ruux oo ku sugan Suudaan oo wajahaya xaalad adag

Malaayiin ruux oo ku sugan Suudaan oo wajahaya xaalad adag

16
0

Isniin Nov 03, 2025 {CBB} Malaayiin qof oo ku sugan gudaha Suudaan, gaar ahaan galbeedka dalka, ayaa weli wajahaya xaalad bini’aadanimo oo daran, iyadoo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ciidamada milatariga ah ee RSF uu sii socdo

 

Hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay fududeeyaan socdaalka gargaar bini’aadanimo, iyagoo soo jeediyay xabbad joojin

 

Maalmo kaddib markii RSF ay la wareegtay magaalada El-Fasher ee caasimadda Waqooyiga Darfur, ayaa waxaa ka sii dartay xaaladda, iyadoo kumannaan qof ay wali ku xayiran yihiin magaalada halka kumannaan kalena la la’yahay kadib markii ay ka carareen dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here