Isniin Nov 03, 2025 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku sii jeeda dalka Tanzania, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan
Xafladda caleema-saarka ayaa lagu qaban doonaa magaalada Dodoma, iyadoo lagu casuumay madax kala duwan oo ka socda dalalka gobolka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka
Si kastaba ha ahaatee, caleema-saarku wuxuu ku soo beegmayaa xilli dalka Tanzania ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan siyaasadeed, kadib doorasho muran badan dhalisay oo dhacay 29-kii Oktoobar
Wararka ka imanaya dalkaas ayaa sheegaya in mudaaharaadyo rabshado wata ay ka socdaan magaalooyinka waaweyn, halka dowladda Tanzania ay xannibtay baraha bulshada iyo ciidammo badan ku daadisay waddooyinka caasimadda Dodoma
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Tanzania la filayaa inuu kulamo gaar ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda kale ee ka soo qeybgelaysa xafladda, si looga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo danaha labada dal.







