Home WARARKA MAANTA Madaxweynaha Suuriya oo booqasho Taariq ah ku tagaya Washington

Madaxweynaha Suuriya oo booqasho Taariq ah ku tagaya Washington

20
0

Isniin Nov 03, 2025 {CBB} Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump u qaabilsan bariga dhexe ahna safiirka u fadhiya Ankara, Tom Barrack, ayaa sheegay in madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axmed Sharaa la filayo inuu dhawaan booqdo magaalada Washington

 

Booqashadu waxay ku beegan tahay “ku dhawaad ​​10-ka November,” sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad

 

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo madaxweyne Suuriya uu ku tago caasimadda Mareykanka

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Assad Hassan Shaybani, ayaa Axadii, November 2-deedii, xaqiijiyay in Sharaa uu booqan doono Aqalka Cad horraanta bisha November si uu ugala hadlo dib u dhiska Suuriya

 

Tom Barrack ayaa sabtidii u sheegay saxafiyinta, in inta lagu jiro booqashada ay rajeynayaan in Suuriya ay ku biirto isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee ka dhanka ah ISIS

 

Ilo Suuriyaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in booqashada la filayo inay dhacdo labada toddobaad ee soo socda gudahood

 

Shara oo xukunka la wareegtay 8-dii bishii December ee la soo dhaafay, hogaamiyahan ayaa safaro kala duwan ku tagay dalka dibaddiisa

 

Mid ka mid ah booqashadii ugu horreysay ee Shara waxay ahayd Ankara 4-tii Febraayo, ka dib markii uu casuumaad ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan

 

Trump ayaa magaalada Riyaad kula kulmay Sharaa 14-kii May, waxaana ku wehliyay dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, sidoo kale Madaxweyne Erdogan ayaa kulanka uga qeyb galay khadka taleefanka

 

Maalin ka hor ayuu Trump ku dhawaaqay in uu cunaqabateynta ka qaaday Suuriya, waxaana uu sheegay in kulamadii uu la yeeshay Erdogan iyo bin Salmaan ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah howshan

 

Hogaamiyaha Suuriya ayaa sidoo kale magaalada Moscow kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin 15kii Oktoobar

 

Ergeyga gaarka ah ee Barrack ayaa sheegay in Washington ay uga golleedahay sidii ay Suuriya ugu qancin lahayd inay ku biirto isbahaysiga ay Washington hoggaaminaysay tan iyo 2014-kii si ay ula dagaallamaan kooxda Daacish

 

Sannadkii 2016-kii ayuu ka go’ay Al-Qaacida, waxaana sannad kaddib uu aasaasay urur Islaami ah oo lagu magacaabo Hayat Tahrir al-Sham, taasoo hoggaaminaysay kooxaha fallaagada ah ee xukunka ka tuuray Asad

Isha BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here