Home WARARKA MAANTA Maxaa laga filayaa shirka arrimaha Gaza ee Istanbul Ka Dhacaya?

Maxaa laga filayaa shirka arrimaha Gaza ee Istanbul Ka Dhacaya?

19
0

Isniin Nov 03, 2025 {CBB}Wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga, Imaaraadka Carabta, Indonesia, Qatar, Pakistan, Saudi Arabia iyo Urdun ayaa maanta ku kulmaya magaalada Istanbul si ay u qiimeeyaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gaza

 

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, waxaa sidoo kale inta uu shirku socdo looga hadli doonaa halka ay marayso xabbad joojinta iyo xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka

 

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo arrimaha dibadda ee Turkiga, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ayaa ku baaqi doona in si degdeg ah loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo sugo ammaanka iyo maamulka Gaza ee Falastiiniyiinta, waa waxyaabaha laga filayo kulanka manta

 

Waxaa la sheegay in Fidan ay ku nuuxnuuxsan doonto “muhiimadda ay leedahay tallaabo isku dubaridan oo ay qaadaan dalalka Muslimka ah si xabbad-joojintu ay u noqoto mid nabad ah oo waarta.”

 

Wadamada ka qeyb galaya kulanka ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii uu socday shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee bishii September ka dhacay magaalada New York.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here