Home WARARKA MAANTA Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ku wajahan Maraykanka

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ku wajahan Maraykanka

17
0

Talaado 4 Nov 2025 {CBB}Dhagax-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa ku wajahan Magaalada Washington DC 18ka Bishaan Nofeembar 2025 sida uu sheegay sarkaal sare oo katirsan Aqalka Cad ee Dalkaas oo xogtaan laga helay.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa warisay in safarka Maxamed Bin Salmaan uu ahaa mad la qarin rabay isla markaana si aan shaacsanayn uu ku tagi rabay Dalka Maraykanka balse xogta oo la helay ay faaftay sida hadalka loo dhigay.

Donald Trump ayaa doonaya in uu markale dib boorka uga jafo heshiiskii lagu naas-nuujinayay Israa’iil ee Dalalka Carabta taageerrada ugu muujinayeen kaddib markii Waddankaan Carbeed ee Sacuudiga uu hoos u dhigay heshiiskaas dhacay 2020.

Trump ayaa doonaya in uu Maxamed Bin Salmaan usoo bandhigo fursado waa weyn oo kusoo jiidi kara dib ugu soo laabashada heshiiskaas, waxa uu carrabka ku dhuftay mar uu ka qaybgalay barnaamijka “60 Minutes” ee CBS News in uu rajaynayo in Sacuudiga uu dib ugu soo laabto heshiiskaas.

Wargeyska Financial Times ayaa labo toddobaad ka hor qoray in la rajeynayo in labada dal ay saxiixaan heshiis difaac inta lagu jiro booqashada Maxamed Bin Salmaan uu ku joogo Dalka Maraykanka dhammaadka bishaan sida wararku sheegayaan.

Donald Trump ayaa Bishii May mar uu tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa uu Xukuumadda Riyadh u ogolaaday ka iibinta hub iyo qalab kale oo Militari oo ku kacaya adduun lacageed dhan $142 Bilyan oo doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here