Talaado 4 Nov 2025 {CBB} Madaxweyne dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Xamaas ay “go’aan ku gaartay” inay u hoggaansanto xabbad-joojinta Qasa, isaga oo intaa ku daray in ay lama huraan tahay in wadamada Islaamku ay door hoggaamineed ka qaataan dib-u-dhiska dhulka Falastiiniyiinta.
Erdogan oo la hadlayey ergayada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee ku kulmay magaalada Istanbul si ay uga qaybgalaan shir sanadeedka COMCEC ee iskaashiga dhaqaale ayaa yiri: “Xamaas waxay u muuqataa inay si buuxda ugu go’an tahay inay u hoggaansanto heshiiska.”
Wuxuu sidoo kale yiri: “Xamaas waxay muujineysaa go’aan ah inay dhowrto heshiiska. Laakiin, dhanka kale, dhammaanteen waan ognahay in rikoodhka Israa’iil ee arrintan la xiriira uu aad u liito.”
Hadalladiisa ayaa yimid iyadoo Turkigu isu diyaarinayo inuu martigeliyo wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Qadar, Imaaraadka Carabta, Urdun, Pakistan iyo Indonesia, si ay uga wadahadlaan dib-u-dhiska Qasa, iyadoo welwel laga qabo xabbad-joojinta jilicsan ee 10-kii Oktoobar la gaaray .
Erdogan ayaa sidoo kale sheegay: “Waxaan aaminsanahay in qorshaha dib-u-dhiska ee ay diyaariyeen Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka la hirgeliyo isla markiiba,” isaga oo tixraacaya qorshe bishii Maarso la soo bandhigay si dib loogu dhiso dhulka Falastiiniyiinta ee burburay.
Wuxuu intaas ku daray: “Waa lama huraan in Ururka Iskaashiga Islaamka uu door hoggaamineed ka soo kabashada Qasa.”
XIGASHO BBC







