Home WARARKA MAANTA Maxaa sababay in Soomaalida ku nool Maraykanka ay la kala safato musharrixiinta...

Maxaa sababay in Soomaalida ku nool Maraykanka ay la kala safato musharrixiinta u tartamaysa Duqa Minneapolis?

15
0

Talaado 4 Nov 2025 {CBB}Soomaalida ku nool Maraykanka ayaa la kala safatay Labada Musharrax ee u tartamaya Duqa Magaalada Minneapolis oo ah halka ay u badan tahay Bulshada Soomaaliyeed, waxaa la arkayay dad qaarkood caan ah oo la kala safan Cumar Faatax & Jacob Frey.

Maayarta kursiga ku fadhiga ee doonaya in dib loogu doorto markale ayaa olole cajiib ah ka dhex sameeyay Soomaalida dhexdeeda, tani waxa ay keentay in uu helo shaqsiyaad caan ah oo codadka dadka taageera u jeedin kara dhinaca Frey.

Cumar oo aan qudhiisu dabyar shideen ayaa garab ka helay Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Dad kale oo caddaan ah kuwaas oo uu kusoo jiitay waxqabadka uu soo bandhigay in uu ku dhaqaaqi doonno haddii duqa Minneapolis loo doorto.

Minneapolis waxaa degen dad kala duwan, waxa keliya mideyn kara waa in musharraxa ay codkooda siinayaan uu kusoo jiidan karo waxyaabaha ay u baahan yihiin inuu wax ka qabanayo muddo xileedkiisa waa haddii musharraxaas uu guulaysto.

La soco wixii kasoo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here