Talaado 4 Nov 2025 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay Waddada isku xirta Laamiyaraha Soobe iyo Buula Xubeey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo dib u dhis lagu samaynayo.
Laamigaan ayaa muhiim u ah isu socodka waddadaan oo dhirirkeedu yahay ilaa 2 Kiilomitir, waxaa ku yaalla goobo Ganacsi, xarumo caafimaad iyo kuwo Waxbarasho, waxaa saamayn taban ku reebay isu socodkeeda burburka soo gaaray.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in waddadaan ay taariikh u leedahay kahor inta uusan xilkaan qaban, waxa uu xusay in mar lagu rasaaseeyay Gaariga uu saarnaa isla markaana neefta ku dhegtay sida uu hadalka u dhigay.
“Nin baa aaggaan fadhin jiray, aniga halkaan ayaa degenaan jiray, waxa aan u shaqo tagi jiray Dharkaynley, Isbaaro adag baa taallay oo khatar ah, markii igu darnayd labo mar ayay ahayd, mar iyaga ayaa is khilaafay, midna qori ayuu horay la istaagay midna dagaal iyaga oo dhahayo soco iyo ma soconaysid, xabado badan ayaa nalagu furay, dadkii ayaa igu dul seexday, waxa aan ku jiray dadkii neefta ku dhegtay markii uu istaagay” RW XFS, Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey howlaha la xiriira dib u dhiska waddooyinka Caasimadda isaga oo sheegay in tani ay qayb ka tahay fududeynta Isu socodka Gaadiidka iyo Dadka maadaama burburka uu caqabad ku yahay.







