Talaado 4 Nov 2025 {CBB} Dagaalyahanno hubeysan ayaa weerar ku qaaday Markab ganacsi oo marayay xeebta Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kadib markii ay isku dayeen in ay fuulaan, sida ay sheegeen ilo la socday arrimahaan.
Haddii la xaqiijiyo, tani waxay noqon doontaa weerarkii ugu horreeyay ee burcad-badeednimo ee Soomaaliya lagu qaado markab ganacsi tan iyo May 2024, taasoo kor u qaadaysa khataraha la xiriira tamarta muhiimka ah iyo alaabta loo dhoofiyo gobolka, sida ay sheegeen dadka arrimahaan u dhuun-daloola.
Markabku waxaa uu marayay meel ku dhow xeebaha Soomaaliya markii afar nin oo hubeysan ay ka soo dhowadeen, iyagoo watay doon yar isla markaana rasaas ku furay, sida ay sheegeen kooxda Maareynta Khataraha Badda ee Vanguard.
“Shaqaaluhu waxay bixiyeen digniin, waxayna kordhiyeen xawaaraha, waxayna sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ka fogaansho ah. Kooxda ammaanka ee hubeysan ee saaran markabka waxay si wax ku ool ah uga jawaabtay isku dayga burcadda, taasoo ka hortagtay weerarka isla markaana ka badbaadisay waxyeello ama dhaawac.”
Vanguard iyo ilo wareed ka tirsan hay’adda amniga badda ayaa sheegay in markabka la beegsaday uu ahaa markab kiimiko sida oo ku safrayay calanka Jasiiradaha Cayman oo lagu magacaabo Stolt Sagaland.
Hawl-wadeenka markabka Stolt-Nielsen ayaa xaqiijiyay in weerar lagu soo qaaday Stolt,balse uu fashilmay.







