Arbaco 5, Nov 2025 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u daah-furay ajende caalami ah oo lagu ballaarinayo barnaamij lagu magacaabay ilaalinta bulshada {social protection} ee dalalka nugul iyo kuwa ay colaadaha saameeyeen
Ajendahan oo lagu soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirka Guddiga Heerka Sare ee Ilaalinta Bulshada ee Dalalka Nugul iyo Kuwa Dagaalladu Saameeyeen, ayaa loogu magac daray “Ajandaha loogu talagalay Nabadda, Xasilloonida, iyo Adkaysiga
Daahfurka waxaa si wadajir ah u hoggaaminayay Rt Hon Baroness Chapman of Darlington oo ka socday Dowladda Ingiriiska, iyo raysal wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, oo metelayay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Ajendahan cusub wuxuu diiradda saarayaa sidii loo xoojin lahaa barnaamijyada taageerada bulshada ee ka jira dalalka ay saameeyeen dagaallada, saboolnimada iyo isbeddellada cimiladu, si loo dhiso nabad waarta, xasillooni iyo adkaysi bulsho
War lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska {FCDO} ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay mid kamid ah dalalka tusaale u noqonaya hirgelinta nidaamyo taageera bulshada ee dhisaya kalsoonida shacabka iyo dowladdooda
Baroness Chapman iyo Wasiir Saalax Axmed Jaamac waxay sheegeen in maalgelinta barnaamijyada ilaalinta bulshada ay tahay maalgashi lagu dhisayo nabad, degganaansho iyo karaamo, isla markaana ay horseed u noqon karto soo kabasho waarta.







