Home WARARKA MAANTA Wasaaradda Qoyska oo War ka so saartay Dhacdadii Hooyadii ku Umushay Banaanka...

Wasaaradda Qoyska oo War ka so saartay Dhacdadii Hooyadii ku Umushay Banaanka isbitaalka Banaadir.

17
0

Jimco, November 7, 2025 (CBB) Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa maanta si kulul u cambaareysay dhacdo murugo leh oo ay hooyo Soomaaliyeed ku umushay afaafka hore ee Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, halkaas oo ilmihii ay dhashay uu ku geeriyooday kadib markii ay hooyadu weysey daryeel caafimaad oo degdeg ah.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay “mid dayacaad shaqo ah oo aan la aqbali karin”, isla markaana uu muujinayo gudasho la’aan masuuliyadeed oo dhinaca shaqaalaha caafimaadka ah.

Wasaaraddu waxay tilmaamtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maalgelin ballaaran ku bixiso cisbitaallada dowladda, gaar ahaan Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, si loo hubiyo in hooyo kasta iyo ilmo kasta oo Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo hufan, ammaan ah, kana tarjumaya adeegyada dowladdu ugu talagashay bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here