Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshadda soo saarta Biraha Shubka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshadda soo saarta Biraha Shubka.

17
0

Sabti 8, Nov 2025{CBB} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay xoojinta Wax-soosaarka dalkeenna ayaa xarigga ka jaray Warshadda Banaadir Steel oo ah Warshad cusub oo soo saarta Biraha Shubka ee lagu dhiso Guryaha, iyadoo isticmaaleysa dib u warshadeynta biraha duugoobay.

Madaxweynaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Warshaddan ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirrigelinta, iyo garab istaagga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maalgashanaya dalkooda, si ay door muuqda uga qataan soo kabashada dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo shaqo abuurka dhallinyarada, isagoo ku adkeeyey in kor loo qaado ilaalinta badqabka shaqaalaha iyo tayada wax-soosaarka Warshadda.

“Waxaan hambalyeynayaa dhallinyarada ganacsatada ah ee u istaagay in ay dalkooda maalgashadaan, kuwaas oo fursad shaqo u abuuray in ka badan 400 oo qof iyo qoysaskooda,Warshadaha iyo mashaariicda kale ee waaweyn waxa ay ka mid yihiin kuwa dalkeenna dhowaan ka hano qaadi doona, waxaan dooneyna in qurbajoogtu ay dalka maalgashadan, si aan u soo ceshano wixii inaga lumay 30-kii sanno, waxaan rajeynayaan in warshadaan ay ballaarato oo ay soo saarto wax kasta oo dhismo guri la xiriiro”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey ganacsatada Soomaaliyeed in ay diiradda saaraan maalgelinta hal abuurro ka turjumaya baahiyaha dalka, kuwaas oo faa’iida u leh mustaqbalka jiilalka danbe, si waddanku u gaaro isku filaansho dhaqaale, wax-soosaar dhameystiran iyo Warshado awood buuxda u leh daboolidda ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keenno.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here