Home WARARKA MAANTA Sacuudiga oo maanta dil ku fuliyay labo qof.

Sacuudiga oo maanta dil ku fuliyay labo qof.

16
0

Axad 9, Nov 2025{CBB}Sacuudiga ayaa maanta dil ku fuliyay labo qof oo Sacuudiyaan ah oo ku biiray kooxo argagixiso ah oo aan la magacaabin, iyadoo la sheegay labadan qof inay qorsheynayeen weerarro ay ka fuliyaan goobaha cibaadada, waxay heysteen hub iyo agabka laga sameeyo qaraxyada, sida ay shaaca ka qaaday wakaaladda wararka dawladda Sacuudiga ee SPA.

Labada nin oo magacyadooda lagu sheegay Fahad bin Cali bin Cabdulcasiis al-Washiil iyo Cabdiraxmaan bin Ibraahim bin Maxamed al-Mansuur , ayaa sida laga soo xigtay warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga , wuxuu fulinta xukunkooda dilka ah ka dhacday gobolka bartamaha Sacuudiga ku yaalla ee al-Qasiim oo ay degganyihiin qabiillo badan oo reer Najd ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here