Axad 9, Nov 2025{CBB}Wargeyska The Times, ayaa maanta soo bandhigay wadahadal murugo leh oo dhexmaray maalintii koowaad ee duullaanka uu Ruushka ku qaaday Dalka Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelensky iyo xoghayihii hore ee NATO, Jens Stoltenberg, isla marka uu bilowday weerarka Ruushka wuxuu galay Zelensky, meel dhulka hoostiisa ah , isagoo u arkayay Ruushka inuu qabsanayo Kyiv, wuxuuna markiiba wacay xoghayaha guud ee NATO, isagoo naxsan wuxuuna ka codsaday in hawada Ukraine laga sameeyo aag aysan diyaaradaha dagaalka ku duuli Karin, taa oo ku dhici kartay in isbahaysiga NATO ay soo geliyaan hawada Ukraine diyaaradahooda dagaalka , si ay u joojiyaan weerarrada cirka ee Ruushka , balse xoghayaha NATO wuxuu diiday codsigan.
Zelensky, wuxuu ku celceliyay waqtigaa ; “ Waxaad u sameyseen Bosnia, sidoo kale waqooyiga Ciraaq ayaad horey uga joojiseen duulimaadyada, waan burbureyna oo dhimanayna, fadlan na soo gaara!”
Si kasta oo hadalka Zelensky uu murugo u lahaa , ma diirrin oo waxba mowqifkiisa kama beddelin xoghayaha NATO oo si cad u diiday dhammaan codsiga, wuxuuna sheegay in hirgelinta aag aysan diyaaradaha ku duuli karin (no-fly zone) inay u baahan tahay in la burburiyo nidaamyada difaaca cirka ee Ruushka iyo Belarus, iyo in diyaaradaha Ruushka lagu qasbi doono in la soo rido, taasoo micnaheedu yahay dagaal toos ah oo dhex mara NATO iyo Ruushka.
Stoltenberg wuxuu uga digay Zelensky in tallaabo noocaas ahi ay keeni karto dagaal caalami ah ama bilowga dagaalka saddexaad ee adduunka, isagoo dib u xasuusanaya wicitaankaas ayuu Stoltenberg ku sheegay ; “mid aad u murugo badan,” wuxuuna tilmaamay inuu ka cabsaday in ay noqon karto wicitaankii ugu dambeeyay ee Zelensky. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku adkaystay in ka fogaanshaha kicinta dagaal toos ah uu ahaa arrin lama huraan ah.
Wuxuu intaas ku daray in madaxweynihii Mareykanka ee xilligaa , Joe Biden uu aragtidaas la qabay, isagoo sheegay in Mareykanka uusan halis dagaal caalami ama dagaallada saddexaad ee adduunka u geli Karin si uu u difaaco Ukraine.







