Axad 9, Nov 2025{CBB}Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta si rasmi ah u furay xarunta cusub ee Taliska Guutada 6-aad ee hoos timaada Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka, taas oo laga dhisay magaalada Baraawe ee Caasimada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.
Xarruuntaan ayaa qorshaha yahay in laga hago howlgalka Ciidamada Xoogga ay ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose, kaasi ee ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dhismahan cusub qeyb ka yahay dib-u-dhiska iyo tayeynta xarumaha talisyada ciidamada, isagoo tilmaamay in ciidanku sii wadi doono dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
“Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu ka go’an yahay in la sii xoojiyo amniga, la dhiso xarumo talis oo casri ah, laguna ilaaliyo guulihii la gaaray ee la dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida degmada Awdheeglo iyo deegaanno kale.







