Home WARARKA MAANTA Maxaa ka jira in Shaqaalaha Gobolka Banaadir lagu qasbo in ay iska...

Maxaa ka jira in Shaqaalaha Gobolka Banaadir lagu qasbo in ay iska diiwaangeliyaan Ururro Siyaasadeed?

18
0

Isniin 10,Nov 2025 {CBB}Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka & Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in ay heleen xogo muujinaya sida Shaqaalaha Gobolka Banaadir loogu qasbayo ku biirista Ururrada Siyaasadeed isla markaana loo diray fariin qoraallo arrintaas lagu amrayo.

Cabdikariin ayaa sheegay in arrintaan ay kahor imaanayso xuquuqda Muwaadinta iyo xeerarka u degsan Doorashooyinka maadaama qofka uu doorasho u leeyahay in uu ku biiro ururka uu doono sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa nasoo gaaray xog ah in Shaqaalaha ka shaqeeya Gobolka Banaadir loo soo diray Qoraallo iyo Linkiyo la leeyahay Ururro Siyaasadeed kamid noqda, waa arrin sharci darro ah oo aan la aqbali Karin, labo koox oo kala duwan oo ka cabanaya ayaa noo yimid, Shaqaalaha Rayidka waa codayn karaan waana loo codayn karaan laakiin Ururro ma gali karaan,” Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiyaha Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka.

Intaas kaddib, war kasoo baxay Maamulka gobolka Banaadir ayaa arrintaas lagu beeniyay, qoraalka ayaa lagu xusay in aanay jirin shaqaale katirsan maamulkaas oo lagu qasbay iska diiwaangelinta ururro Siyaasadeed sida hadalka loo dhigay.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu shacabka Soomaaliyeed iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha u caddeynayaa in uusan wax lug ah ku lahayn eedeymaha ku saabsan in shaqaalaha Gobolka Banaadir lagu qasbayo in ay iska diiwaangeliyaan Ururro Siyaasadeed,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhawaan waxaa lagu wadaa in la qabto Doorashada Dowladaha Hoose ee Gobolka Banaadir, waxaa socda olole xooggan oo ay wadaan xubnaha xildoonka ah oo qaarkood ku fiilan Ururro Siyaasadeed oo horay uu u diiwaangeliyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here