Isniin 10,Nov 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray Dalka Aljeeriya si uu ula kulmo dhiggiisa Abdelmadjid Tebboune oo casumaad rasmi ah uu ka helay sida wararku sheegayaan.
Madaxtooyada Soomaaliya weli faahfaahin kama bixin waxyaabaha uu daaran tahay safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo waxa ay kawada hadlayaan dhiggiisa Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda soomaaliya iyo Aljeeriyaoo horay u wada kulmay ayaa kawada hadlay xoojinta Iskaashiga dhinaca Difaaca, Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo adkaynta cilaaqaadka labadaan Dal xubnaha kawada ah Jaamacadda Carabta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay u tagay dalal kala duwan oo Soomaaliya xubno ay kawada yihiin Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika & Qaramada Midoobay, waxa uu safarkaan u yahay kii ugu horreeyay uu ku tagayo Aljeeriya.







