Home WARARKA MAANTA In ka badan 10 kun oo Soomaali ah oo Arrimo Caafimaad Hindiya...

In ka badan 10 kun oo Soomaali ah oo Arrimo Caafimaad Hindiya u tagay 5tii sano lasoo dhaafay

17
0

Isniin 10,Nov 2025 {CBB}Dalka Hindiya oo sanadihii u dambeeyay qaabilayay Soomaali 95% u tagay arrimo caafimaad iyo 5% oo Waxbarasho u aaday ayaa ka dhigtay tirada dadka Soomaaliyeed ee shantii sanno u dambeysay aadday dalkaas oo gaareysa 12,320 sida lagu sheegay xog-baarista la sameeyay.

Wixii ka dambeeyay xaaladdii ka dhalatay Covid-19 ee sanadkii 2019-kii waxaa kordhay Soomaalida adeegyada Caafimaad u aaday dalka Hindiya taas oo gaartay tiradooda 5,044 qof, balse tiradu way korortay oo ilaa 2024 waxa ay gaartay 12,320 qof.

Wargayska The Times of India oo xog-baaris ku sameeyay kororkaas ayaa sheegay in Ajaanib kala dhalasho duwan ay tagaan dalkaas Soomaalida ay qayb ka tahay, tani waxa ay tusaale u tahay sida dhaqaalaha badan uu dalkaas uga helay dadka u safraya.

Ravi Gosain oo ah Madaxa Ururka Dalxiisayaasha India ee loosoo gaabiyo (IATO) in Ajaanibta dalkiisa timid 5tii sano lasoo dhaafay gaar ahaan Soomaalida ay sii kordheen isaga oo gaarsiiyay boqolley ahaan 47% sida uu hadalka u dhigay.

Sannadihii u dambeeyay waxaa korortay dadka Soomaaliyeed ee dalka Hindiya u aaday caafimaadka, ka gadaal markii wax looga qaban waayay gudaha dalka, dadka caafimaadka u aada dalkaan ayaa isugu jira madax iyo dad caadi ah, taas oo ka dhigtay in Soomaaliya ay noqota dalka ugu badan marka la eego dalalka geeska Afrika ee dadkiisa caafimaad u aada Hindiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here