Home WARARKA MAANTA Dowlada Suuriya oo ku biireysa isbahaysi uu hogaaminayo Mareykanka

Dowlada Suuriya oo ku biireysa isbahaysi uu hogaaminayo Mareykanka

11
0

Talaado 11, Nov 2025 {CBB} Maraykanka ayaa sheegay in Suuriya ay ku biirayso isbahaysiga caalamiga ah ee looga adkaanayo kooxda Daacish, isla markaana ay dib u bilaabayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Washington

 

Tani ayaa waxay ku soo beegantay wadahadallo ka dhacay Aqalka Cad, oo dhex maray Donald Trump iyo madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa

 

Suuriya ayaa ku biiri doonta isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaalamaya kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka, taasi oo calaamad u ah isbedel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli madaxweyne Donald Trump uu Aqalka Cad kula kulmay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa, waa booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Suuriyaan ah taariikhda dalkaas

 

Isagoo wareysi siinayay Fox News, al-Sharaa wuxuu sheegay in booqashadu ay qayb ka tahay “waa cusub” oo waddanku uu iskaashi kula yeelan doono Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here