Talaado 11, Nov 2025 {CBB}Ciidamado katirsan Macawiisleyda deegaanka ah ee Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa weerar ku qaaday xubno katirsan ‘AS’ oo ku sugnaa deegaanno hoostaga Degmadaas
Sida ay sheegeen ilo kala duwan, ciidanka Macawiisleyda oo helay xogta xubnaha katirsan ‘AS’ ayaa weerar isku waqti dhacay ku qaaday deegaannada kala ah Cali Yabaal, Uubad & Xirsi Cilmi oo dhammaan hoostaga Degmo xeebeedka Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud
Cabdulqaadir Cali Bugle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Deegaanka ah ee Macawiisleyda ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaara xooggan ay gaarsiiyeen xubnaha katirsan ‘AS’ ee duullaanka ku qaadeen sida uu hadalka u dhigay
Bugle ayaa intaas ku daray in ciidamadooda oo badqaba ay dib ugu laabteen goobihii ay ka duullaan tageen, ujeedka howlgalkooda ayuu ku sifeeyay in ay kahortagayeen abaabul ay wadeen ‘AS’ sida uu warka u dhigay
Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka socda abaabulka howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ay si wadajir ah u wadaan Ciidanka Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas & kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda ah.







