Home WARARKA MAANTA Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo maanta kormeeray garoomadda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baladwayne.

Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo maanta kormeeray garoomadda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baladwayne.

7
0

Arbaco 12, Nov 2025 {CBB} Mareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa maanta Safar Kormeer shaqo ku tagay garoomadda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baladwayne, Waxaana safarkiisa shaqo ku wehlinayay Maareeye kuxigeenka Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ahna Agaasimaha Qaybta Maaxida Hawada Md.

Ayuub Abdullahi Ibraahim Iyo Injineero ku xeeldheer arrimaha kormeeridda dhismayaasha Garoomadda.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada ee Maamulka Galmudug Md. Abdinur Macalin Mohamud ayaa Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminayay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan, Maareeye Ahmed oo ku gudajira kormeerka shaqo ayaa bogaadiyay dhismaha Garoonka Magaalada Dhuusamareeb oo wajigiisii koowaad uu soo dhamaaday, Kaas oo laga qabtay shaqo aad u balaaran, iyada oo HDRS ay qiimaynaysay in dhismaha Garoonka Magaalada Dhuusamareeb uu waafaqsanyahay hanaanka iyo shuruucda dhismooyinka Garoomadda, Kormeerka uu Maareeyaha ku tagay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ayaa noqonaya midkii labaad inta uu socdo dhismaha Garoonka caasimadda Maamulka Galmudug.

Sidoo Kale Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Mo’allin Hassan ayaa Safar kale oo kormeer shaqo ah ku tagay Garoonka Magaalada Baladwayne, Waxaana ku soo dhaweeyay Garoonka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Md. Mohamed Hussein Mohamed Arab.

Maareeyaha ayaa u kuurgalay dayactirka iyo Horumarinta balaaran ee ka socda Garoonka Magaaladda Baladwayne, Waxa uuna bogaadiyay Maamulka Garoonka Magaalada Baladwayne Shaqadada aadka u wanaagsan oo ay qabteen.

Ugu dambayn, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Ayaaa Maamulada Garoomadda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baladwayne ku amaanay shaqada Wanaagsan iyo Horumarka lataabankaro ay ka qabteen Garoomadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here