Khamiis 13, Nov 2025 {CBB} Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.
Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay wada-shaqeynta dhinacyada gaadiidka, duulista hawada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa la iska wareystay fursadaha maalgashi ee ka jira garoomada diyaaradaha dalka iyo sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga labada dowladood.
Wasiir Maxamed Faarax ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in diyaar u yihiin sidii loo sii ballaarin lalahaa.
Dhankiisa, Safiirka Shiinaha, Wang Yu, ayaa sheegay in dalkiisa ka go’an tahay kordhinta taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada shaqaalaha, qalabaynta iyo mashaariicda horumarineed ee la xiriira Gadiidka iyo duulista hawada.
Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka caawiya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iy diblumaasiyadda.







