Khamiis 13, Nov 2025 {CBB}
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa booqday warshado wax soo saar oo ku yaalla gudaha dalka Aljeeriya, isagoo dhageystay warbixinno la xiriira horumarka ay gaareen.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tagey Warshadda Daawooyinka dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah ee dalkaasi oo hadda looga faa’iideysto wax soo saarka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday Masaajidka weyn ee Jaamaca Aljeeriya, halkaas oo uu kulan kula yeeshay culimada dalkaas.
Culumada ayaa Madaxweynaha la wadaagay xasuus reeb ku saabsan taariikhda ka dhaxeysa labada ee faafinta diinta islmaanka, iyagoo muujiyey taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Aljeeriya ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed, dhaqaalaha, iyo iskaashiga amni ee labada dal, iyadoo labada dowladood ay wada saxiixdaan heshiisyo la xiriira waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.







